Iiraan oo gantaalo ku dhufatay diyaaradii burburtay

1925

Caddeyn la helay ayaa waxay muujineysaa in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda ee Tehran.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeu iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan qottodheer oo lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof.

Justin Trudeu ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka oo ku aadan arrintaas.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay in diyaaradaas uu ku dhacay gantaal ay riday Iran.

“Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu yidhi raysal wasaaraha Canada.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS.

Dowladda Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda iyo in uu soo riday gantaal.

Haseyeeshee Dowladda Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas, waxayna sheegtay in eedeymahaas ay yihiin dagaal maskaxeed oo ka dhan IIRAAN.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN