Puntland oo sheegtay sababta ay udiiday meel marinta sharciga batroolka soomaaliya

2023

Puntland, ayaa si rasmiya u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, qoraalka waxa lagu caddeeyay, in Sahrcigaasi uu ka hor-imaanayo qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland oo dhigaya in Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan dhulka Puntland, ay ilaalintiisa iyo ka faa’ideysigiisa mas’uul ka tahay dowladda Puntland.

Puntland waxay sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Sharcigaasi, ilaa inta ay wada-hadal isaga imaanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-xaajoodo sharciga.

HALKAAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA