Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay Guddoomiye cusub oo uu yeelanayo Baarlamaanka Labaad ee Maamulkaas.
Kursigaas oo ay ku tartameyn labada Musharax ee kala Dr. Maxamed Nur Gacal iyo Cabdinasir Aaden Cismaan ayaa waxaa ku guuleystay Dr. Maxamed Nur Gacal oo ah Musharixii ay wadatay Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay ku dhamaatay natiijada doorashada sida soo socoto:
1- Dr. Maxamed Nur Gacal 54 cod
2- Cabdinasir Aaden Cismaan 34 cod
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu halaabay hal cod.
Ad by Valueimpression
Natiijada kasoo baxday doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug ayaa muujineyso inuu weli furan yahay tartanka loogu jiro xilka madaxweynimo ee maamulkaas maadaama farqiga labada musharax u dhaxeeyo uu yahay 19 Xildhibaan.