Khilaafkii kadhaxeeyay Madaxweynaha HirShabelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo la xaliyey

1819

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo u dhexeeyey hoggaanka sare HirShabelle oo xalay ka dhacay guriga Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Kulanka oo saacado badan qaatay, islamarkaana uu soo qaban qaabiyey, Cali Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Afhayeenka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkaasi, islamarkaana la soo afjaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda ay ku ballaameen in la dardar geliyo shaqooyinka culus ee horyaalla.

Ugu dambeyn Madaxweyne Waare iyo guddoomiye Barre ayaa Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle uga mahadceliyey dadaalladii dhex dhexaadinta ee uu sameeyey.

Khilaafkaan oo mudo taagnaa ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac waxaana socday mooshin ka dhan ahaa Waare.