Booliiska Britain ayaa sheegay innin mindi ku hubeysan ku toogteen Koonfurta magaalada London, iyagoo weerarkan ku sifeeyey fal argagixisnimo.
Waxay sheegeen in ninkan uu ugu yaraan laba qof ku weeraray mindi kuwaasoo ku sugnaa wado aad u mashquul badan oo ku taal xaafada Streatham oo ay somalidu kubadan tahay.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin watay abley ama mindi uu galay dukaan ka dibna uu dad ku weeraray.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay dukaankii uuna banaanka kuweeraray haweenay baaskiil wadata uu tooreydii uu ku duray ka hor intii aan laga hortagin.
Dhawaq rasaaseed ayaa la maqlay, iyadoo Booliiska sheegayaan in hadda xaaladda gacanta lagu hayo, waxaana weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan.