Tottenham Oo Si La Yaab Leh Uga Badisay Man City +SAWIRRO

2213

Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Tottenham iyo City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli City laga bad-baadiyay rigoore

City iyaga ayaa kubadda haystay waliba u dhawaa goolal ay dhaliyaan haddii aysan ahaan laheyn daafaca Tottenham iyo goolhayaha oo foojignaa

Sida muuqatay , City waxa ay si fudud ugu guuleysanayeen in ay kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Tottenham xilli ay sidoo kale wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo kubad haysashada

Tottenham waxa ay ciyaarayeen kuabd daafac leh waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah iyaga oo dadaal ugu jiray in ay ka faa`ideystaan daafaca City oo horay u soo dhaqaaqayay

Guud ahaan , City iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda , waxaana si wacan u dhaqaaqayay Riyad oo dadaal dheeraad ah bixinayay

City daqiiqaddii 38-aad waxa ay heleen rigoore ka dib qalad lagu galay Aguero balse waxaa laaday oo uu goolhayaha Tottenham ka bad baadiyay Gündoğan.

Biloowgii soo laabashadii , Tottenham waxa ay isku dayeen in ay kubadda soo dhaqaajiyaan balse City ayaa ku dhaweyd in ay gool dhaliyaan waxaana daqiiqaddii 48-aad fursad xaqiiq ka bad baadiyay goolhayaha Tottenham .

City aad ayay ugu dhawaaneysay in ay gool kaga naxsadaan Tottenham iyaga ayaana maamulka kubadda ku badnaa xilli Tottenham daafac iyo kubadaha rogaal celiska maciin bidiyeen

Xilli xaalka sidaas ahaa , City waxaa daqiiqaddii 61-aad kaarka cas ka qaatay Olexandr Zinchenko kaasi oo midka digniinta qaatay daqiiqaddii 42-aad , waxaana bilaabatay musiibo ka dib gool ay durba heleen Tottenham waxaana daqiiqaddii 63-aad dhaliyay saxiixa cusub Tottenham ee Steven Bergwijn xilli Pep daqiiqaddii 64-aad u soo giliyay Cancelo oo loo saaray Aguero.

Sidaas o ay tahay , City isku dayo ayay sameynayeen balse maadaama laga tira badan yahay Tottenham afka hore ayay soo gaarayeen waxa uuna Jose soo giliyay daqiiqaddii 70-aad xiddigaha kala ah Erik Lamela iyo Ndombele oo loo badalay Steven Bergwijn oo u muuqday mid dhaawac .

Sida la filayay Tottenham gool labaad ayay heleen waxaana si qurxoon u daliyay Son Heung-min , ka dib tababare Pep waxa uu daqiiqadii 71-aad saaray Riyad oo daalnaa isaga oo soo giliyay

City xaalka waa ku adkaa , waxaana loogu dhameyay labadaas gool ee ay guusha ku raacday Tottenham xilli City daqiiqadii 84-aad ay soo giliyen Bernardo Silva oo loo saaray halka Tottenham soo giliyeen Eric Dier oo loo badalay Lucas Moura, waxaana muuqaneysa in Tottenham ay caawisay hab difaaceedka ay ku soo galeen iyo in ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.