AMISOM oo taageertay doorashadii Qoor Qoor

1696

Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Galmudug ee maalintii shalay ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb.

“AMISOM waxay u hambalyeynaysaa hoggaamiyeyaasha cusub ee loo doortay Galmudug waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu sii wado dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa lagu yiri”Qoraalka AMISOM.

Qoraalka AMISOM ayaa imaneysa xili ay jiraan dhinacyo wali ka soo horjeeda doorashada saameyn weyn-na ku leh marka la eego deegaannada Galmudug.

Hoos ka aqriso Qoraalka kasoo baxay AMISOM :-