Waa Kuma Agaasimaha Cusub ee Ciidanka Badda Puntland?

2060

Madaxweynaha Puntland Siciid Dani ayaa xalay u magacaabay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland ee (PMPF) wuxuuna horay u ahaa Agaasime ku xigeenka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland, iyadoo xilkaas uu u magacaabay isla Madaxweyne Deni September 2019.

Dadka qaar ayaa Madaxweynaha ku dhaliilaya Inuu xilkaan oo muhiim u ah shaqada ciidan ee Puntland u magacaabay qof dhalinyaro ah oo uu ka xushay qoyskiisa, maadama Madaxweyne Siciid C/laahi Maxamed (Dani) & Agaasimaha Cusub Cabdirabi Cabdisamed Maxamed (Dani) ay wada dhasheen (ilmo-adeer) islamarkaasna uu kamid yahay qoyska Madaxweynaha iyo dadka sida gaarka ah ula shaqeeya madaxweynaha.

Laakiin dadkale ayaa qaba inuu Cabdirabi u qalmo jagadaan, maadaama uu horay u soo noqday Xiriiriyaha Madaxtooyada iyo Hay’adda PMPF, sido kale waxbadan ka yaqaano shaqada hay’addan iyo dowladda imaaraadka oo Maalgalisa Ciidanka, muddana ku noolaa wadamada carabta lana lahaa xiriir dhow hay’adaha Imaaraadka ee ka shaqeeya Puntland.

Xil magacabista Cabdirabi ayaa u eg in ay tahay labo arimood oo is barkan, midda koowaad waa in madaxweynuhu uu xushay qof uu ku kalsoonyahay oo kudhow taas oo meesha ka saari karta khilaafyo mudooyinkii ugu dambeeyey ka dhex jiray hay’addan, oo sababtay inuu shaqada ka tago Agaasimihii ka horeeyey ee Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan, shaqadana uu madaxweynuhu ka joojiyo Taliyihii ciidanka & Saraakiil kale, waxaa kale oo intaas dheeraa in maalmihii ugu dambeeyey uu khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha ciidanka badda Puntland kuwaas oo kumuransanaa hanti iyo gaadiid hay’addu lahayd oo si masuuliyad darro ah loo diray iyo kala amar qaadasho la’aan Saraakiisha ka dhexjirtay taasoo kaliftay in madaxweynuhu soo faragaliyo guddina u saaro.

Tan labaad waa saamayn togan oo ay madaxweynaha ku yeelanayso magacaabida qof kamid ah Qoyskiisa oo khibradyari lagu xushay taas oo u eg in uu madaxweynuhu xulanayo dadka u dhow, inkastoo caadadani ay horay u jirtay oo qof kasta uu u magacaabi jiray qofka ugu dhow wakhtigaasi.

Marka la isku soo wada duubo warka la xiriira isbedelka uu madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kusameeyey hay’adda PMPF ayaa siwayn loogu falanqaynayaa baraha bulshada.