Juventus Oo Guuldaro Kala Kulantay Lyon +SAWIRRO

1980

Kooxda Juventus ayaa guuldaro niyad jab leh kala soo laabatay France iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Lyon kulan ayna wiilasha Maurizio Sarri soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Kooxda Juventus ayaa dhanka mamulista ku fiicnayd marka loo bar-bar dhigo Lyon kuwaas oo qaadayay weeraro Rogaal celis ah inta kalena ilaashanayay daafacooda.

Kooxda Lyon ayaa ku faraxsanaa in ay Juventus u ogolaadaan in ay kubada haystaan laakiin ka hor istaagay in ay siiyaan fursado ay goolal ku dhalin karaan.

Daqiiqadii 31-aad ayay Lyon dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Tousart kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Juventus ayaa samaysay fursado waali ah oo ay goolal ku doonaysay xilli ay Lyon gabi ahaan daafaca u wada laabteen.

Dhanka kale Kooxda Lyon ayaa heshay dhawr fursad oo ay ku dhalin kareen goolal kale oo ay hogaanka ku dheeraystaan.

Kooxda Juventus ayaa caadaadis waali ah saartay kooxda Lyon si ay uga dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Kooxda Lyon ayaa si weyn u samirtay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Lyon dhabarka u saartay guuldaro lama filaan ah kooxda Juventus kuwaas oo khatar ugu jira in ay tartanka ka hadhaan hadii ay sidan u sii ciyaaraan kulamada kale.