Raysal wasaaraha Germany oo looga shakiyay inay qabo Coranavirus

1578

Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.

Afhayeenka dowlada Steffen Seibert ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in Angela Merkel go’aansatay in ay karantiil ku ahaato gurigeeda, isla markii ay ogaatay axadii in dhakhtar siiyay talaalka cudurka qaaxada jimcihii laga helay cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in si joogto ah loo tijaabin doono xaaladeeda caafimaad maalmaha soo socda.

Seibert wuxuu hoosta ka xariiqay in Merkel ay fulin doonto waajibaadkeeda rasmiga ah inta ay guriga joogto.

Dalka Germany ayaa ah waddanka shanaad ee cudurka uu sida xoogan ugu faafay. Wuxuu ku dhacay 23,921 qof iyo 92 dhimasho ah.