Mareykanka oo Qalab Caafimaad ugu deeqay Soomaaliya +SAWIRRO

1648

Wasaaradda Caafimaadka aya maanta deeq Qalab Caafimaad oo loogu talogalay la-tacaalidda cudurka Coronavirus kala wareegtay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Deeqda oo qeyb ka aha kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya siinayo ayaa ka koobneyd 350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo loogu talogalay isbitaalada lagu daweynayo dadka qaba Coronavirus.

Mukhtaar Yuusuf Cirro oo ka mid ah masuuliyiinta hey’adda Mareykanka ee arrimaha gar gaarka oo ku wareejiyay deeqan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid loogu talagalay inay dowladda Soomaaliya kaga hortagto cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur oo qalaaka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxayna sheegtay in la gaarsiin doono Maamul Goboleedyada dalka.