Madaxwaynaha HirShabelle oo Mooshin laga keenay +VIDEO

1724

Khilaafkii maalmahaan ka dhex taagnaa madaxda maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray in caawa magaalada Jowhar lagu qabto mooshino iska soo horjeeda.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in 54-xildhibaan uu ka qabtay mooshin la rabo in xilka looga qaado Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare, oo khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed oo soo kala dhex galay madaxda maamulka Hir-Shabeelle.

Khilaafka ayaa xoogiisu waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo isku dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxayna ku wada sugan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.