Wasiir Jabuutiyaan ah oo u geeriyooday Caronavirus

1639

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya Wasiirkii Madaxtooyada iyo maalgashiga dalkaasi Cali Geelle Abubakar u geeriyooday cudurka Caronavirus uu la xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu ku dhacay cudurkan safmarka ee Caronavirus, waxaana malamihii lasoo dhaafay dhaqaatiir caafimaad ku dadaalayeen sidii wasiirka loo bad baadin lahaa isi uu uga bogsado cudurkan uu ugu dambeyn shalay u geeriyooday .

Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle oo aad isugu dhawaayeen Wasiirka ayaa tacsi u diray shacabka Jabuuti iyo Qoyskii uu ka baxay Wasiirka, waxa uuna wasiirka ku sifeeyay nin wanaagsan oo wax badan usoo galay Jamhuuriyada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah wadamada Bariga Afrika kuyaala uu ku faafayo cudurka Caronavirus, waxaana Wasiir Cali geelle masuulkii ugu sareeyay ee gudaha Jabuuti ugu dhinta Cudurka Caronavirus.