Aktarkii caanka ahaa ee Rishi Kapoor oo geeriyooday

1906

Jilaaga Bollywood Rishi Kapoor, oo caan ku ahaa kaalintiisa arrimaha jaceylka ee aflaanta, ayaa u dhintay kansar. Wuxuu ahaa 67 sano jir.

Wuxuu qeyb ka ahaa jilaayada boqortooyda Kapoor ee aadka u buux-dhaafiyay shirkadda Bollywood, oo ah laanta aflaanta ee Hindiya.

Jilaagan ayaa si wayn u soo caanbaxay sannadkii 1973-dii xilligaas oo uu jilay filimkii ugu horreeyay ee atoore uu ka ahaa. Wuxuu ahaa mid ku saabsan jaceylka dhalliyarada aan weli gaarin 20-ka sano.

Wixii xilligaa ka dambeeyay wuxuu jilay aflaan jaceyl oo aad u badan oo muddo 20 sano ah uu si joogto ah uga soo muuqanayay. Wuxuu guushaas ku gaaray markii uu si wanaagsan uga soo baxay kaalintiisii jilliinka.

Rishi Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar sannadkii 1970-kii, xilligaas oo aabihii Raj Kapoor uu filim la sameeyay kaas oo lagu magacaabo, Mera Naam Joker.

Dhowr ka mid ah aflaantiisii sannadkii 1980-kii illa 90-maadkii – Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – waxay noqdeen kuwii ugu sarreeyay ee la iibsaday.

Wuxuu ahaa nin aad ugu wanaagsan dhanka qoob ka cayaarka, aflaantiisana waxaa ku jiray heeso illaa iyo hadda aad caan u ah.

Aflaanta guuleysatay ee Rishi Kapoor waxaa inta badan la jilaysay atariishadii caanka ahayd ee Neetu Singh. Waxay isla jileen filimkii ugu sarreeyay ee dhanka jaceylka ee Bollywood, waxay kalgaceylkaas la aadeen illa bannanka, wayna is guursadeen sannadkii 1980-kii.

Wiilkooda, Ranbir Kapoor, wuxuu sidoo kale yahay jilaan guul ka gaaray dhanka aflaanta Bollywood-ka.

Rishi Kapoor wuxuu sidoo kale aflaan la jilay atoorayaal kale oo caan ah sida Amitabh Bachchan iyo adeerkii Shashi Kapoor.

Tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu qeyb ka noqday aflaan kala duwan oo door kooban uu ku lahaa kuwaas oo sidoo kale xiiso yeeshay.

Warka la xiriira in uu u dhintay kansar wuxuu imaanayaa maalin ka dib markii uu dhintay Irrfan Khan oo caan ka ahaa Bollywood iyo Hollywood.

Rishi Kapoor waxaa ku dhacay kansarka loo garanayo leukemia sannadkii 2018-kii wuxuuna Hindiya dib ugu noqday bishii September ee sannadkii hore ka dib markii muddo uu daweyn u joogay magaalada New York.

Arbacadii ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii naqaska uu ku dhegay, Walaalkii Randhir Kapoor ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

Qoyska jilaagan ayaa xaqiijiyay geeridiisa, iyagoo farriin ku sheegay in si aayar ah uu u dhintay.

“Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka waxay sheegeen in uu madadaalinayay illaa ay nafta ka baxaysay. Wuxuu muujiyay sida uu nolosha u doonayay labadii sano ee la soo dhaafay ee xanuunka uu hayay.

“Qoyska, asxaabta, cuntada iyo aflaanta waxay ahaayeen kuwa uu haystay, qof kasta oo xilligaas arkayna wuu la yaabay sida uusan u aqbalin in cudurka uu ka awood bato”.

“Aad ayuu ugu faraxsan yahay jaceylka ay taageerayaashiisa u hayaan ee daafaha caalamka oo dhan. Geeridiisana waxay muujineysaa fahamka ah in dhoollacadeyn lagu maamuuso balse aysan ahayn illin.”

Tacsida ay jilaayada kale ee Hollywood u dirayaan qoyska jilaagan ayaa iska soo daba dheceysa.

Amitabh Bachchan oo dhowr filim ay iskala shaqeeyeen ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Wuu tagay .. ! Rishi Kapoor .. wuxuu dhintay .. wuu xijaabtay .. way ii dhammaatay!”

Ra’iisul wasaaraha hindiya Narendra Modi wuxuu ku tilmamay qof “dadka oo dhan la dhaqma, dadka jecel oo firfircoon” iyo “qof aad u xirfado badnaa”.