‘Ha isticmaalin dawo aan lasoo tijaabin’

1748

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa digniin kasoo saartay isticmaalka dawo aan la tijaabin oo looga hortaggayo cudurka corona.

‘Shacabka Afrikaanka waxay mudan yihiin inay helaan dawooyin lasoo marsiiyay tijaabooyin haboon xitaa haddii ay ahaato dawo dhireed” ayay tiri WHO.

Hadalka Ha’yadda Caafimaadka ayaa imaanaya kadib markii uu madaxweynaha Madagascar soo bandhigay dawo dhireed uu sheegay inay ku fiyoobayaan dadka qaba faysarka Corona.

Ururka Midowga Afrika wuxuu sheegay inay doonayaan inay hubiyaan caafimaad ahaan waxtarka iyo badqabka dawada.

Agaasimaha madaxtooyada Madagascar, Lova Hasinirina Ranoromaro, ayaa BBC u sheegtay in ku dhawaad 20 qof muddo saddex todobaad ah lagu tijaabinayay dawadan, tallaabadaas oo kasoo horjeedda talooyinka tijaabada dawooyinka ay soo jeedisay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka.

Tijaabada dawooyinka waxaa la marsiiyaa hanaan dheer oo lagu xaqiijinayo wax tarkeeda ilaa afar heer ayaa la marsiiyaa, marka hore waxaa lagu tijaabiyaa tiro kamid ah bukaanada, waxaana marka xiga la gaarsiinaya dad badan oo ku nool dal.

Dhowr dal oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin Guinea-Bissau, Equatorial Guinea iyo Liberia ayaa dalbaday dawo dhireedka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina wuxuu hogaamiyeyaasha Afrikaanka uga warbixiyay dawada uu soo saaray xilli ay ka qeybgalayeen shir muuqaal ah.

Kulankaas kaddib waxay soo jeediyeen in xarunta Afrika ee xakameynta cudurrada ay qaab cilmiyeysan u hubin doonto waxtarkeeda.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay soo dhaweysay waxyaabaha Ikhtiraacyada cusub ay qaaradda ku dhaqaaqday ee ku saabsan dawo dhaqameedka balse waxay ku xirtay in la tijaabiyo.

“Afrikaanku waxay mudan yihiin inay adeegsadaan dawo lasoo tijaabiyay oo lamid ah heerarka ay soo mareen dawooyinka laga isticmaalo dunida inteeda kale”

Isniintii, waxay dalalka yabooheen in ka badan 8 balyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu soo saaro tallaal looga hortaggo cudurka Covid-19 isla markaana lagu maalgelinayo cilmi baarista ku saabsan baaritaanada iyo daweynta cudurka.

Dunida waxay baadi-goob ugu jirtaa sidii loo heli lahaa talaalka cudurka Corona.

Kuburrada intooda badan waxay sheegayaan in helidda tallaalka uu qaadan karo ilaa bartamaha sannadka 2021-ka.

Dhowr dal oo Afrikaan waxay bilaabeen tallaabooyin ay uga hortaggayaan fiditaanka cudurka corona, waxay dalalkooda kusoo rogeen xayiraado iyo bandow, waxaa la qaadaya bandowga si dowladuhu ay isugu dheelitiraan xoojinta arrimaha caafimaadka iyo danaha dhaqaale.

Dabcinta xayiraadaha waxaa kusoo kordhay dadaallada deg deg ah ee lagu raadinayo dawo.

Madagascar waxay xaqiijisay 151 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 balse ma aysan tebin cid u dhimatay cudurka sida laga soo xigtay xarunta la dagaalanka cudurrada ee Afrika.

Madaxweynaha Madagascar wuxuu xayiraad kusoo rogay ilaa saddex magaalo oo waaweyn balse waxaa la dabciyay xayiraaddaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.