Reer Cadaado oo yiri “Waan cuneynaa Ayaxa haddii uu nagu soolaabto”

1705

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen digniinno iyo walaac laga muujinayay in waddamada bariga afrika uu dib ugu soo laabto Ayaxa ayaa waxaa magaalada cadaado laga soo sheegayaa iney arkeen ayax cusub oo soo gaaray Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ka mid ahayd goobihii uu aadka ugu habsaday Ayaxa.

Axmed Sheekh Xassan oo tobankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay dhireynta deegaankaasi sidoo kalana ka mid ah Guddiga ka hortagga Ayaxa ee magaalada Cadaado ayaa BBC u sheegay inay isku tashan doonaan si ayaxa looga hortaggo haddii ay ku kalifto inay cunaan.

“Haddaan weyno cid na caawiso anaga isku tashaneynaa…waa isku tashannaa waxaan ka badin weynaa yelnaa xitaa ay nagu kalifto in aan cunno, sida hadda ka hor dhacday” ayuu yiri Axmed Sheekh Xassan.

Wuxuu sidoo kale inay jiraan dad badan oo isku daweeyay ayax oo cunay halka qaarna ay u heystaan ciyaar.

“Dad baa cunay oo yiri waan ku dawoownay laakin dadka deegaanka xoolana wey heystaan addunyo inta ay doonta hala ekaate wey heystaan hadda ayax naf kale ka dooni maayaane..dad waxaa jiraa isku daweeyay oo ka raadsaday caafimaad”

Markii uu ayaxa sida ba’an u saameeyay deegaanada soomaalida waxaa soo ifbaxayay wararka ah in dad badan ay ayaxa cuneen, ayaxan ayaa baabi’iyay dhul dhaaqsimeed ballaaraan.

Dhadhanka ayaxa

Axmed Sheekh Xassan wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in isaga uu wax ka cunay ayaxa markii dhalinyaro deegaan ah ay sameeyeen sidaas darteedna uu dhadhamiyay.

“Waxbaan ka taabtay waxaan kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay cunitaankiisa… inkasta uusan cadna laheyn… laakiin maraq yar ayuu waxbo iska leeyahay.. ma aanan badsan laakiin waxbaan ka dhadhamiyay”

Ayaxa dhadhan uu leeyahay waan ka waayay, macaana waan ka waayay, sida uu sheegayo Axmed Sheekh.

Dadka ku nool magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa arkay ayax raxan ah raxan ah oo la wareegay guud ahaan magaalada kaas oo ay dadweynaha ka argagaxeen.

“Waa daruur madow oo kale oo da’ysa weeye.. marka aad aragtid waad baqeysaa, waaba baqnay anagu marka aan aragnay..magaaladii buu ka dhigay magaalo daruur”

Wuxuu sheegay in ayax uu yahay masiibo isla markaana aan cunitaan lagu soo afjari karin.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi’iyay dhul beereed ku yaalla halkaas.