Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada maamulkaas, kaasoo xalay magaalada ku dilay askari kale oo isna ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyada.
Maxamed C/naasir oo ahaa askariga dilka geystay ayey maxkamadu u fariisatay dacwadiisa xili 24 saac aysan ka wareegin falka uu askariga kale ku dilay.
Waxaa Maxkamada la horkeenay markhaatiyaal ku marag furay gacan ku dhiiglaha, kuwaasoo sheegay inuu askarigan uu si bareer ah u dilay askariga kale.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu muran dhexmaray askariga uu dilay, waxaana isla galabta lagu fuliyey xukun dil qisaas ah oo ka dhacay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.