Safiirkii Shiinaha ee Israa’iil oo meydkiisa laga helay gurigiisa

1524

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil ayaa isagoo meyd ah laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay shaacisay warbaahinta dalka Israa’iil.

Mr Du Wei oo 58 sano jir ah ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa, illaa iyo hada lama oga sababta geeridiisa.

Hase ahaatee Booliska ayaa tagay guriga, si ay baaritaan u sameeyaan, waxaana ay xireen goobta oo dhan iyo nawaaxiga guriga.

Mr Du ayaa bishii February ee sanadkan loo magacaabay Safiirka dalka Israa’il isaga oo laga soo bedelay dalka Ukraine.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warameysa in safiirka uu geeriyooday isaga oo hurday, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Shiinaha.

Maalintii Jimcihii ayay aheyd markii Safaaradda Shiinaha ee Israa’iil ay si adag u dhaleeceysay Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, xilli uu ku sugnaa dalka Israa’iil ayuu ku dhaleeceeyay sida Shiinaha ula tacaalay cudurna Coronavirus.