Guddi baari lahaa dadkii lagu laayay Gololey oo la magaacabay

1462

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhalinyarad ka howlgaleysay xarun caafimaad oo kutaala deegaanka gololey ee maalin kahor la laayay.

Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isugu jira Wasiiro katirsan Xukuumadiisa, Xildhibaan, Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo taliyaha booliiska gobolkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa faray guddiga uu magacaabay in baaritana dhab ah ku sameeyaan 8-da qof ee sida arxa darada ah loogu laayay deegaanka gololey mudo 30-maalin gudaheeda si dadkii falkaasi geestay loo horgeeyo cadaalada.