Mudaharaadyada UK oo isu beddelay rabshado +Sawirro

2439

Ra’sal wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay mudaharaadyada cunsuriyadda looga soo horjeeda ee UK ka socda iney rabshado iisu beddeleen, kaddib marki ay booliska iyo mudaharaadayaasha isku dhaceen.

Mr Johnson wuxuu sheegay shacabka iney xaq u leeyihiin iney mudaharaadaan balse rabshadaha ay saameeynayaan mudaharaadayaasha aan la aqbali karin.

Kumannaan qof ayaa ka qayb galay mudaharaadyo nabadeed oo sharci ah oo ka socday magaalooyinka waaweyn ee UK.

Balse iska horimaad Axaddi shalay ka dhacday London waxay sababtay iney dhaawacmaan sagaal askari oo boolis ah iyo 12 qof oo mudaharaadayaasha ka mid ahaa la xiro.

Taliyaha Booliska magaalada Jo Edwards wuxuu sheegay “mudaharaadyada si nabad ah ku billowday, iney marki dambe iisu beddeleen rabshado iyo xasilooni darro, taasoo la aqbali kareyn”.

Mudaharaadayaasha lagu xiray magaalada London waxaa lagu eedeeyey xadgudub iyada mid ka mid ah lagu soo oogay dacwad fal- dambiyeed.

Mr Johnson oo cambaareeyey rabshadaha, ayaa Twitter-kiisa ku qoray: “Dadku waxay xaq u leeyihiin iney mudaharaadaan iyaga oo raacaya talooyinka caafimaad ee kala fogaashaha, balse dadku xaq uma laha iney booliska weeraraan. Mudaharaadyada waxay iisu beddelayaan rabshado iyo burburin hanti oo horseedo ficillo aan loo baahneen. Dadka arrimahaasi ku dhaqaaqana sharciga ayaa la horgeeynayaa.”

Sabtidi iyo Axaddii kumannaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada London, iyada oo mudaharaadyada ay sida oo kale ku faafeen magaalooyinka Bristol, Manchester, Wolverhampton, Nottingham, Glasgow iyo Edinburgh.

Muuqaal mudaharaadayaasha laga duubay ayaa muujinaya iyaga oo waddooyinka buux dhaafiyey oo ku sii jeeda safaaradda Mareykanka, ka hor inta ay aadin isgooyska barlamaanka UK.

Balse waxaa caasimadda ka dhacay xoogaha isku dhacya ah oo booliska iyo mudaharaadayaasha dhexmaray.

Mudaharaadayaasha qaar waxay booliska ku tuurayeen dhalooyin iyo caagadaha biyaha iyada oo ay booliska mudaharaadayaasha magaalada Westiminister ay ku qasbeen iney waddooyinka banneeyaan.

Mudaharaadyada ka dhacay Warwickshire ayaa waxay sababeen ku dhawaad hal saac xaruunta M6 iney xiranto mudaharaadyada meesha ka dhacay awgood.
Taalladi addoonsiga oo la burburiyey

Axaddii mudaharaadayaasha Bristol waxay dhulka soo dhigeen taalla astaan u ahayd ka ganacsiga addoonsiga ee qarniga 17-aad oo loo yaqaanna Edward Colston, oo sanada badan muran uu ka taagnaa, dalxiisayaal badan ayaana taalladaasi u soo daawasho tagayey.

Taallada marka ay mudaharaadayaasha dhulka soo dhigeen waxay billaabeen taalladi oo dhulka taalla iney sawirro ka qaadaan iyaga oo ku faraxsan taallada iney dhulka soo dhigaan oo sheegay iney qayb ka tahay tallaabbooyinka ay ugu dhiidhinayaan dilka George Floyd loo geystay.

Taallada ayaa markii dambe lagu jiiday waddooyinka magaalada Bristol ugu dambeyntina waxaa lagu tuuray badda.

Wasiirka arrimaha gudaha Priti Patel oo cambaareeysay taallada dhulka la soo dhigay ayey ku tilmaantay “mid aad u ceeb badan”, booliska ugu baaqday iney dhacdadan ay ku soo oogaan dacwad ka dhan ah.

Taallada Sir Winston Churchill loo dhisay ee ku taalla isgooyska baarlamaanka waxay mudaharaadayaashu ku buufiyeen inuu cunsuri ahaa tallaabadaasi oo wasiirka arrimaha dibadda James Cleverly uu ku tilmaamay “doqonnimo aan waxba soo kordhineyn.”

Dhinaca kale xildhibaan mucaarad ah ayaa cambaareeyey hadalka ka soo yeeray Wasiirka caafimaadka Matt Hancock ee ahaa “iney mudaharaadayaasha arrin Mareykanka ka dhacday ay huriyaan sida iney halkan ka dhacday.”