War hadda naga soo gaaray Jabuuti ayaa sheegaya in shirkii guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu kala kacay, islamarkaana dowladda Jabuuti ay isku dayeyso inay bad-baadiso.
Warar ayaa sheegaya in caqabadda ugu weyn ee shirka ay tahay qodob ay Somaliland diiday inay aqbasho, oo ahaa inaan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac ee ah inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo cayaaraha.
Qodobkan ayaa dalbanaya in Somaliland joojiso xariga iyo dhibaatooyinka ay u geysato dadka u baxa Muqdisho ama meel kale oo Koonfurta kamid ah iyo in ay joojiso dal ku gal oo ay ku qasabta dadka usoo socda Hargeysa.
Qodobkan oo la doonayo in war-murtiyeedka shirka lagu daro ayaa u qornaan lahaa sidan:
“Ayada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Sida oo kale, iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyada hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac waxaa kale oo ay isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgelka bulshada labada hawlaha la xiriira dhaqanka, sida ciyaaraha, fanka iyo suugaanta, si yoolkaan loo xaqiijiyo na, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta Bulshada.”
Guddiga metelayey Somaliland ayaa la sheegay iney arrintaas si weyn uga soo horjeesteen, taasoo keentay in xubnaha wadahadalka ku metelayey ay ka baxaan shirka, iyagoo sheegay iney wadatashi iskugu laabanayaan.
Masuuliyiinta martida loo yahay ee dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jira sidii dhinacyada mar la iskugu keeni lahaa, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka qodobadiisa qaarkood la isku mari waayey.