Daawo Muuse Biisi oo siwayn loogu soodhaweeyay Hargaysa

1536

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay Shirkii Jabuuti,Doorka Soomaaliland iyo sida ay uga fal celiyeen Dadka Reer Soomaaliland.

Waxa uu Muuse Biixi ka mahad celiyey dadka faraha badnaa ee soo dhaweyntiisa ka qeyb galay isagoo kadib Khudbad kudhawaad 20 daqiiqo qaatay uu jeediyey.

Mr Biixi ayaa ku cel celiyey in Qaranimada Soomaaliland ay tahay biyo kama dhibcaan,ayna tahay mid aysan ogolaan doonin dhiig iyo dheecaan wixii ay soo bixiyeen aysan si fudud ku bixin doonin.

Shirka Jabuuti ayuu sheegay in Arimo badan soo bandhigeen iyo Gar naqsi ay la galeen Dhinaca Dawlada Soomaaliya.

Waxa uu la hadlay Bulshada Soomaaliland kana dalbaday in Gacantooda ku jiraan in Madax banaanidooda la siiyo hadii ay joojiyaan dagaal beeledyada soo laab laabtay deegaanadeeda.