Qoor-qoor oo safar dhulka ah kutagay deegaanka Dhabad +SAWIRRO

1999

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye “Qoor Qoor” ayaa gaaray deegaanka Dhabad ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo madaxweyne Qoor Qoor kaga horeeyay deegaanka Dhabad ayaa halkaas isaga,mas’uuliyiinta maamulka iyo Bulshada qeyabaheeda kala duwan ku soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha.

Safarka madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ay ku joogaan deegaanka Dhabad ayaa waxaa ku wehlinaya qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibanada Galmudug,wuxuuna mudada uu halkaas ku sugan yahay kulamo xog-wareysi ah la yeelan doonaan maamulka iyo bulshada deegaanka.

Socdaalka uu madaxweynaha Galmudug uu ku gaaray deegaanka Dhabad ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii dambe uu ku marayay deegaanada iyo degmooyinka Galmudug,halkaas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda nololeed iyo midda amni ee Bulshada degaanadaas.