Kheyre oo kusii jeeda Dhuusomareeb

1547

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi la socda ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Kheyre ayaa la sheegay in magaalada Dhuusomareeb u tagayo ka qeyb galka wajiga labaad ee shirka ay yeelaayaan Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Kulanka ay isugu imaanayaan Maamul goboledyada iyo dowlada federaalka kahor ayaa la filayaa in Ra’isul Wasaare Kheyre kulamo lasii qaato qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada si ay uga sii wada hadlaan arimaha taagan.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa gaba gabadii kulankii ay ku yeesheen magaalada Dhuusomareeb ku codsaday in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Kheyre kasoo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka oo ka dhacaya Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna tagi doona magaalada Dhuusomareeb si uu uga qeyb galo shirka ay la yeelanayana Madaxda dowlad goboleedyada si ay ugala xaajoodaan xaalada kala guurka gaar ahaan doorashada.