Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada oo kusii jeeda Garawe

1534

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu wadaa in ay tagaan magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

Kheyre iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa magaalada Garawe u tagaya si ay uga qeyb galaan aas magaaladaasi loogu sameenayo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Yusuf.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay u duulay magaalada Garawe si uu uga sii hormaro madaxda kala duwan ee magaaladaasi u tageysa aaska loo sameenayo masuuliyiinta hore.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaana aaska kadib kusoo laaban doona magaalada Dhuusomareeb uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.