Dowladda Masar ayaa tix-gelineysa in ay saldhig military ka sameysato Somaliland. Tani waxaa ay imaaneysaa sanad kadib, markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ruushku uu raadinayo in uu saldhig ka sameysto dalkaan dhaca Geeska Afrika, iyadoo Maraykankuna uu qabo aragti ah uu saldhigiisa u wareejiyo Somaliland, maadaama Jabuuti uu deganyahay Shiinaha oo loolan adag uu kala dhaxeeyo.
Ergo ka socotay Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo u soo jeediyay in ay saldhig ka samystaan gobollada woqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Gobolka Geeska Afrika waxaa kusoo badanayay military-ga shisheye ee la geynayo tan iyo sanadkii 2001-dii, gaar ahaan todobankii sano ee u dambeeyay.
Qeybta aad loo arki karo ee joogitaanka military, waa saldhigyada ku teedsan Badda Cas iyo Geeska Afrika. Shiinaha, Faransiiska, iyo Mareykanka ayaa saldhigyo ka sameystay Jabuuti.
Sida uu sheegay qoraaga Neil Melvin joogitaanka military ee Geeska Afrika, Masar weli kama sameysan saldhig military Geeska Afrika, laakiin awoodeedu waxay ku wanaaag-santahay in ay ku ilaaliso kanaalka Suweys.
Melvin ayaa qoray “sanadihii dambe Masar waxay kordhineysay qarash – gareynteeda military-ga, si awoodda military loogu balaariyo Gobolka Geeska Afrika.”
Bishii January sanadkii 2017-kii, Masar ayaa xarun dhexe taliska ciidanka badda uga furtay magaaladda Safaga oo ku taalla xeebta Badda Cas, kuwaas oo ka shaqayn doona Badda Cas iyo Babul Mendab oo ay ka leedahay dano istiraatiiji ah.
Saldhigga ciidanka badda ee koonfureed waxaa dhowaan lagu qalabeeyay maraakiibta dagaalka casriga ah oo ay ku jiraan kuwo ka qayb geli kara dagaalka badda iyo dhulka.
Warbixintu waxaa ay shegeeysaa, maadaama ay ka mid-tahay xulifada Sucuudiga. Masar waxay taageereysaa dhaq-dhaqaaqa military ee ka socda dalka Yemen.
Taasi waxaa ku lug leh marraakiibta la geeyay Baabul Mendab oo qayb ka ah go’adoominta dekedaha Yemen, si looga hortago doomaha Iran.
Saldhig military oo ay ka hesho Somaliland keliya dan uma ahan Masar, laakiin sidoo kale waxaa uu furmsad u yahay Somaliland in ay ku riixdo awooddaan Waqooyiga Afrika in ay caalamka uga raadiso aqoonsi.
Aqoonsi ay Somaliland ka hesho Masar waxaa uu albaabka u furayaa Jaamacadda Carabta in ay xiriir wanaagsan la sameysato Somaliland oo dimoqaraadiyadeeda iyo nabadeeduba ay gobolka ka muuqdaan.
Intii uu kulanku socday, Masar iyo Somaliland waxay isku raaceen in ay xafiisyo kala matalaadoodu sareeyso ay ka kala furtaan Hargeysa iyo Qaahira.
Dowladda Ethiopia kuma farxin qorshaha ay Masar Saldhig uga sameyneyso Somaliland, sababtoo ah Masar iyo Ethiopia waxay ku muransanyihiin biyo xireenka Nile.
Waxaa la rumeysanyahay in is xulufeysiga cusub ee dhex mari doona Masar iyo Somaliland uu yahay mid ay Masar uga aarsaneyso Soomaaliya oo kala-safatay Ethiopia.
Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta waxay la safteen Masar, Ethiopia-na waxay taageero ka heshay Soomaaliya.
Ethiopia waxay xaqiijisay in ay horay ugu dhaqaaqday buuxinta biyo xireenka, iyadoon heshiis la gaarin Masar.
Masar waxay horay uga digtay in buuxinta biyo xireenka Nile iyo ka shaqayntiisa, iyadoon heshiis laga gaarin, taas oo ay sheegtay inay xiisadda uga sii dari doonto.