Rasaas lagu furay Taageerayaal kubadeed +SAWIRRO

157

Rasaas ayaa ooda looga qaaday taageerayaal badan oo ku sugnaa bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay rasaasta la furay taageerayaasha koox ciyaarta kubad tuurka Mareykanka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 22-qof oo kale, kuwaa oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Dadka rasaasta lagu furay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka Kansas City Chiefs,kuwaa oo markii rasaasta lagu furayay u dabaal-dagayay guushi ay kooxdooda odobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka.

Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cidamada booliiska xabsiga dhigeen saddex qof oo weerarka lagu tuhmayo, kuwaa uu xusay in ay hadda ku socdaan baaritaanno.
Dadka weerarkan lagu dhaawacay ayaa la sheegay in ay ku jiraan 8-carruur ah, waxa ay sidoo kale sheegeen hay’adaha caafimaadka in xaalad halis ah ku sugan yihiin 15-qof oo kamid ah dadka toogashada ku dhaawacmay.