Kelvin Kangethe oo nairobi lagu qabtay isagoo baxsad ah

134

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin gacankudhiigle baxsad ahaa, kaa oo isbuucii hore ka baxsaday xabsi booliis oo kuyaalla magaalada Nairobi.

Kelvin Kangethe, oo 41 jir ah, ayaa booliiska ku qabteen duleedka magaalada Nairobi isaga oo baxsad ah, waxaana ninkan loo heestaa in magaalada Boston ee dalka Mareykanka kusoo dilay bishii Agoosto gabar ay saaxiibo ahaayeen.

Taliyaha booliiska Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in tuhmanaha laga soo qabtay habeenimadii Talaadada deegaanka Ngong oo ku taal duleedka caasimadda, kaddib baadigoob shan maalmood qaatay.

Ninkan booliiska dib usoo qabteen ayaa isbuucii hore ka baxsaday saldhigga booliska ee Muthaiga ee kuyaalla magaalada Nairobi, waxaana baadigoob booliiska maalmo wadeen usuurto gashay in dib usoo qabtaan.
Dilaaga oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la filayaa in loo gacan geliyo dowladda Mareykanka oo si weyn u baadigoobeysa, waxaana suurto gal ah in Mareykanka loo dhoofiyo si halkaasi maxkamad loogu saaro.