
Sida ay Axios ku warrantay, Maxamed bin Salmaan ayaa Khamiistii markii ugu horreysay Trump la hadlay xilli ciidamada Xuutiyiintu ku sii siqayeen magaalada xeebta ku taalla ee Mokha, halka ciidamada Yemen ee Sacuudigu taageero ay dib u gurayeen.
Dhaxal-sugaha ayaa Trump uga warbixiyay xaaladda sii xumaaneysa, balse dhowr saacadood kadib ayuu mar kale wacay, isaga oo markan si toos ah uga codsaday inuu amro ciidamada Mareykanka inay duqeymo ku qaadaan Xuutiyiinta.
Trump ayaa diiday inuu ciidamada Mareykanka si toos ah dagaalka u geliyo.
Hase yeeshee, sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay Sacuudiga siin doonto xog sirdoon oo ku saabsan Xuutiyiinta iyo macluumaad ka caawinaya bartilmaameedyada militari.
Qiyaastii 200 oo askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale ku sugan Sacuudiga, kuwaas oo bixiya taageero aan toos uga qeyb ahayn dagaalka, sida uu sheegay sarkaalka.
Taliyaha Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka, Admiral Brad Cooper, ayaa Khamiistii tagay Sacuudiga si uu uga qeybgalo kulamo degdeg ah oo lagu koordinayo xaaladda, sida ay Axios u sheegeen laba ilo-wareed oo arrinta la socda.
Safaaradda Sacuudiga ee Washington iyo Aqalka Cad ayaan ka hadlin warbixinta.
Mowqifka Sacuudiga oo is-beddelay
Codsiga cusub ee Riyadh wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimid mowqifkii Sacuudiga ee dhowr bilood ka hor, markii madaxda boqortooyada ay Washington u sheegeen inay iyagu awoodaan inay Xuutiyiinta la tacaalaan.
Dagaalka labada dhinac ayaa dib u qarxay bishii Luulyo, kadib markii Sacuudiga uu hor istaagay diyaarad Iranian ah oo siday mas’uuliyiin sare oo Xuutiyiin ah inay ku degto Sanca.
Xilligaas Maxamed bin Salmaan ayaa Trump ka codsaday taageero siyaasadeed oo ku aaddan qorshe lagu weerarayo garoonka diyaaradaha Sanca, balse wuxuu caddeeyay inuusan u baahnayn kaalmo militari oo Mareykanku bixiyo. Trump ayaa taageeray tallaabada Sacuudiga.
Xuutiyiinta ayaa kadib weerarro ku qaaday maraakiib shidaal oo Sacuudiga leeyahay oo marayay Badda Cas, waxayna weerarradooda ku ballaariyeen xarumo tamareed oo ku yaalla gudaha Sacuudiga.
Sacuudiga iyo xoogagga Yemen ee uu taageero ayaa iyaguna kaga jawaabay duqeymo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo lagu qaaday fariisimaha Xuutiyiinta.
Hase yeeshee, markii dagaalku sii xoogaystay ayay Riyadh bilowday inay Washington ka dalbato taageero sii kordheysa, taas oo ugu dambeyn gaartay codsiga ah in ciidamada Mareykanka ay si toos ah u duqeeyaan Xuutiyiinta.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale la wareegay magaalada xeebta ah ee Dhubab, oo ka soo horjeedda jasiiradda, kadib markii ay Khamiistii qabsadeen Mokha iyo jasiiradaha Hanish. Horumarkan ayaa si weyn u xoojiyay gacanta ay kooxdu ku hayso marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo dhoofinta shidaalka Sacuudiga.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Riyadh, maadaama Iran ay horey cadaadis ugu saartay isu-socodka maraakiibta marin-biyoodka Hormuz. Haddii Xuutiyiinta oo Tehran taageerto ay awood buuxda ku yeeshaan Bab al-Mandab, Iran iyo xulafadeeda ayaa saameyn ku yeelan kara laba ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee shidaalka iyo ganacsiga dunida.
Xiisadda cusub ayaa durba saameysay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka uu sare u kac weyn sameeyay toddobaadkan sababo la xiriira cabsi laga qabo in dagaallada gobolka ay carqaladeeyaan sahayda.




















