4 Qodob oo lagu heshiiyay shirka Dhuusa-Mareeb

1834

Kulanka hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaaliya ee kasocda magaalada DhuusaMarreeb ayaa lasoo gabagabeyn doono caawa saqda dhexe ilaa aroornimada hore ee Jimcaha.

Waxaana xogaha u dambeeya ay cadeynayaan in heshiis ay dhinacyadu ku wada yihiin.

1. In Doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo aysana jirin wax mudo kororsi ah oo loo sameynayo Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka.

2. In 15 maalmood ka dib lays-kugu soo laabto kulan wada jir ah oo ay Hoggaamiyayaashu leeyihiin.

3. In la helo lana qabto doorasho Heshiis lagu yahay dhammaan dhinacyada oo dhan.

4. Guddi gaar ah ayaa dood iyo falanqeyn ku sameynaya mudadaas doorashada laqabanayo, ee dibka loogu celinayo baarlamaanka.

Afartan qodob ayay lagu shaacin doonaa warmurtiyeed wadajir ah, sida ay sheegayaan masuuliyiin katirsan wafuuda DFS iyo Maamul gobaleedyada ee kusugan magaalada Dhuusa-Marreeb, kuwaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadii u dambeeyey.