Baarlamaanka oo xilka kaqaaday Ra’iisul wasaare Khayre

1456

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala noqdyeen ra’iisul wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu codka u batay in kalsoondii lagala noqday xukuumadda.

Sidoo kale wuxuu goobta uga dhawaaqay magacyada xildhibaanada sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda inay fashilantay, islamarkaana ay wax ka qaban weysay arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.