Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday go’aanka ka dambeysta ah ee kiiska Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo muddo ku dhow 5 bil u xirnaa dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Nuur Shuute ayaa shaaciyey in baaris, kadib lagu waayey dambigii lagu soo oogay Abuuja.
Sidoo kale wuxuu amray guddoomiye Xasan Nuur Shuute in deg-deg loo sii daayo Wariyahaasi.
Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxaa lagu soo eedeeyey dil ka dhacay degmada Boondheere iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka soo baxay 22-kii bishii April ee sanadkan wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia.
Abuuja oo la horgeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida saddexdii bisha Agosto ayaa dhageysatay dacwadda lagu soo oogay, waxaana maanta maxkamaddu ay shaacisay in lagu waayey dambiga dilka ah ee lagu soo eedeeyey Wariyahaasi.
Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey ururada saxaafadda, wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ehelladiisa oo goobta ku sugnaa.