DAAWO:Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo banaanbax dhigay

1628

Qaar kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan mid kamid ah Shirkadaha ka howlgasha Garoonka.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Rag dhalinyaro ah ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabanayaan laba in oo u dhalatay dalalka Kenya & Uganda, kuwaas oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga , iyaga oo ka tirsanayo Cadaalad darro lagu sameeyay.

Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka maqan tahay xaquuq Aas’aasi ah oo ay shirkadda ku leeyihiin sidoo kalena ay Shaqeeyaan waqti ka badan mudadii Shaqada ee lagu heshiiyay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shirkadda ay u Shaqeynayaan ay soo mareen Madax kala duwan,isla markaana midba midka kale uu ka daran yahay ayna dhibaato culus kala kulmaan labada Nin ee u kala dhalatay Uganda iyo Kenya.

Waxaa ay ugu baaqeen Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed iyo Madaxda Sre ee dowladda Federaalka inay arrintaan ay soo farageliyaan,isla markaana ay ka jawaabaan cabashada ay ka qabtaan Shirkadda ay u Shaqeynayaan ee ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Dhowr jeer oo horay ayaa qaar kamid ah Shaqaalaha ka howlgalla dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayeen xaquuq ka maqan iyo dhibaaooyin ay kala kulmaan Ajaanibta ka howlgasha walow markii dambe xal laga gaaray.