Farmaajo iyo A/ Madoobe oo kulmay

1682

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada lagu soo qaaday caqabadaha hor-gudban shirka Muqdisho oo shuruudo uu ku xiray, Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa  sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ay ka wada-hadleen arrinta ciidamada dowladda ee la geeyey gobolka Gedo, islamarkaana ay ka gaareen xal horudhac ah.