Garoowe oo weriyayaal xabsiga u taxaabay

1569

Ciidanka ammaanka magaalada Garoowe ayaa goor dhoweyd xabsiga u taxaabay weriye Khadar Cawl Ismaaciil agaasimaha Radiyo Daljir Garoowe iyo wariye Candiqani Fantastic xilli ay ku sii jeedeen maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal oo kiis ka jawaabi lahayd.

Idaacadda ayaa sheegtay in weriyayaashaan la xiray xilli ay doonayeen inay duubaan jawaab ay maxkamaddu ka bixin lahayd eedaymo la xiriira kiiskii marxuumad Hodon Axmed Shanlayste oo horay Garoowe dil iyo kufsi loogu geystey.

“Guddoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray ciidamada inay xabsiga dhigaan wariye Khadar Cawl iyo Cabdiqani Fantastic oo arrimaha shaqo u tagay maxkamadda iyo jawaab inay ka bixiyaan eedaha loo jeediyay maxkamadda Degmada Garoowe” ayey tiri Radio Daljir.

Xogihii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in idaacaddu ay macluumaad lagu eedaynayo idaacadda ka duubtay ehelada gabadhaasi, waxaana jirey eedaymo kale oo horay gabar dacwoonaysay ay ugu jeedisey xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland.