DAAWO-Deni oo weeraray wasiir Goodax

1559

Madaxxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka shahaadada waxbarasahda ee heer Puntland iyo mid federal iyo sidoo kale natiijada imtixaankii ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimad ay kunool yihiin dadkii ugu tayadda wanaagsan dhanka macalimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo leh hanaan waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo.

Waxa uu tilmaamay inay tahay arrin lala yaabo in School-lo kuyaal gobolada dalka qaar isla markaana la sheegay inay qabaan baahiyo, qaybtoodna aanba lahayn xogta ardaydooda ama aysan wasaaraddu gaarin inay galaan kaalimaha ugu horreeya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wasiir Goodax Barre uusan waxba kala socon guud ahaanba waxbarashada dalka loona baahan yahay in uusan niyad jabin waalidiinta Caruurtooda lacagta wax kusoo baray.

Ugu dambayntiina madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dastuurku uu maamul goboleedyada u ogolaanayo qaadista Imtixaanka iyo fulinta adeegyada aasaasiga ah ayna tahay sharci darro inay ku qabsato wasaaradda dhexe oo lahayd arrimaha siyaasadeed.