C/kariin Guuleed oo lagu qanciyay inuu qaato xilka R/wasaaraha

1778

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kulanka ayaa ka dhacay Hotel ku yaalo Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.

 

Sida aan xog ku helnay, Qorshaha safarka Qoorqoor uu shalay gelinkii dambe ku tagay Nairobi ayaa la sheegayaa inuu ahaa labo ujeeddo oo mid ka mid ah ay tahay arrinta xilka Ra’iisul Wasaaraha, lagana yaabo in Mr Guuleed wada hadalka qeyb ka yahay.

Guuleed oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha 2021, Hoggaamiyena ka ah Xisbiga SAHAN, ayaa loo saadaalinayaa in loo magacaabo xilka R/wasaaraha Soomaaliya,islamarkaana mudo xileedka u harsan xukuumadda uu sii daadihin doono.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Baydhabo ku sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay in la soo dhiso xukuumad ayaa ka shaqeynayaa sidii shaqsi ka soo jeeda Beeshiisa loogu magacaabi lahaa xilka Ra’iisal wasaaraha oo mudo 45-cisho ah laga heyn madaxweyne Farmaajo.