C/raxmaan C/shakuur oo kadigay qorshe halis ah oo ay wadaan Farmaajo, Guuleed, Muudey, & Fahad Yaasiin

1645

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa ka digay qorshe halis ah oo ay wadaan masuuliyiinta sare ee dowlada kaasoo uu sheegay in shaqooyinka looga ceyrinayo qaar ka mid ah dadka ku abtirsada beelaha Muqdisho.

“Dhallinyaro isugu jira saraakiil ciidan, shaqaale rayid ah iyo hay’adaha garsoorka ayaa cabashadooda si is daba joog ah ii soo gaaraysay. Dhalinyaradan oo rag iyo dumarba leh ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha deegaanka Muqdisho, iyadoo xil ka qaadis iyo shaqo joojin lagu sameeyey faquuq hayb qabiil ah. Waxaa dhinaca kale si xawli ah u socda magacaabis xilal qaraabo kiil ah, taasoo ay wadaan Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysalwasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda (TN)” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Arrimahan ayuu sheegay iney ceeb ku tahay masuuliyiinta sare ee dowlada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay iney dib u soo nooleeyaan eexda iyo qabyaaladii dumisay nidaamkii dowladeed ee horey uga jiray dalka.

“Waxaan canbaaraynaynaa eexda qabiil, ku takri falka awoodda Dowladda iyo kala xigsiga muwaadiniinta. Waxaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kalaba ceeb ku ah in ay kala xigsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna kacaan eexdii iyo cadaalad daradii dawladii
dumisay” ayuu yiri sidoo kale hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.

C/raxmaan C/shakuur ayaa intaas ku daray in arrimahan ay qeyb ka yihiin calaamadaha lagu garto wax uu ugu yeeray rajiim gabalkiisu sii dhacayo “Waxaa muuqata dabeecadihii lagu yaqiinay rajiim gabalkiisu dhacayo ee ahayd ha aaminin cid aan wiilkaada iyo walaalkaa ahayn” ayuu siyaasigan hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.