Man City Oo kubar baratay Wolves+SAWIRRO

1771

Kooxda Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Wolves kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Molineux Stadium.

Kooxda Man City oo qayb hore oo cajiib ah waliba ay ku awood badnayd dhalisay 2 gool ayaa ka caawisay in ay guul ku bilaabato horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Man City ayaa Wolves kaga fiicnayd dhanka kubad haysashada xilli ayna kooxda martida loo ahaa soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay marka ay garoonkeeda ku ciyaarayso.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 20-aad heshay kadib markii uu xiddiga Wolves ee Romain Saiss khalad ku galay Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa u Istaagay rikoodhada gool-na u badalay isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0 ay City ku hogaaminayso.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa sii waday raadinta goolal kale iyaga oo Wolves ku dilay baas iyo waliba in ay U diidaan kubad ay weeraro rogaal celis ah ku qaadaan.

Daqiiqadii 32-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Phil Foden kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City ku raaxaysanayso hogaanka ciyaarta waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah una awood sheegatay Wolves.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man City u muuqatay kuwo ka yara qaab ciyaareed hooseeya sidii qaybtii hore iyaga oo aan dadaal badan u samaynayn dhalinta goolal kale ama samaynta fursadaha.

Laakiin Arintaas ayaan Man City ka hor istaagin in ay helaan fursado cajiib ah oo ayna wax gool ah dhalin qaybtii dambe.

Xitaa Gabriel Jesu ayaa gool dhaliyay shabaqana soo taabtay laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu.

Kooxda Wolves ayaa soo noolaysay rajada ay ciyaarta natiijo kala bixi karto kadib markii ay dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay Wolves dhalisay goolka 1-aaad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Raul Jimenez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kadib markii ay goolka dhalisay Wolves ayaa Man City ku cadaadisay in ay dhaliso goolka bar-baraha xilli ay xiddigaha Man City dib u gurteen.

Wolves ayaa dhawr fursad isku daydya in ay samayso laakiin xiddigaha Man City ayaa si fiican u difaacday goolkooda.

Daqiiqadii 90+4-aad ayay Man City dhalisay goolka ay ciyaarta ku dishay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ay kubadiisu ku dhacday xiddig Wolves ah sidaasna shabaqa ku gashay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.