Daawo Su’aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo

1652

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS oo looga hadlayay halka uu dalka u socda heshiiska doorashada kaddib ayaa su’aalo lagu weydiiyay.

Dood cilmiyeedkan oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr Telefishin toos looga daawanayay ayaa dadka ka qeyb galay su’aalo laga keenay, kuwaasoo u muuqday dad la soo xulay.

Madaxweynaha ayaa dhowr su’aalood oo la weydiiyay, qaarna aan si toos uga jawaaban oo uu sheegay inay ku adag tahay su’aasha iyo su’aalo qaarna waa uu ka booday.

Su’aal ka mid aheyd arrinta doorashada Sool iyo Sanaag oo mar walba lagu muransan yahay doorashadooda oo ay weydiisay gabar ayuu sheegay inay adag tahay oo aanu ka jawaabi karin.

Arrinta Qadiyaddii Qalbi Dhagax iyo Liiskii Argagixisada ee lagu daray ayaa wiil dalinyaro ah oo weydiiyay Madaxweynuhu ka jawaabin, waxaana taas bedelkeed wariyihii daadihinayay ku sheegay inuu mowduuca ka baxay.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay arrinta Kuraastii 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir oo qofkii su;aashaas weydiiyay ku yiri hala weydiiyo Guddoomiyeyaasha Labada Aqal.

Mar wax laga weydiiyay arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan shirkii ka dhacay Jabuuti ayuu sheegay inuu isaga lahaa oo uu soo agaasimay, isla markaana Mareykanka iyo Midowga Yurub ka gaday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la weydiinayay inuu Musharax yahay, ayuu uga jawaabay in waqtigeeda hala gaaro.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga falceliyay dooddii su’aalaha lagu weydiinayay Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan sida uu uga hadlay arrinta Sool iyo Sanaag oo aanu jawaabahooda si cad uga bixin, kuna sheegay inay ku adkaatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo saddex sano iyo bar oo uu xilka hayay aanu si toos ah u soo hor-fariisan shacabka ama madal fagaare ah oo su’aalo lagu weydiiyo ka qeyb gelin, balse dooddii xalay ayaa aheyd mid aad dadka ula yaabeen in su’aalihii Madaxweynuhu aanu jawaabahooda bixin, kuwa kalena hala weydiiyo cid kale.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegay in dadkii xalay inay ka qeyb galaan aheyd dood cilmiyeedka si su’aalo ku saabsan xaalada dalka weydiiyaan aan lagu casuumin, balse taa bedelkeed dhalinyarada la casuumay ay u badnaayeen kuwo ka soo jeeda Gobolada reer Waqooyi.