Maqaayada Eeyaha oo laga furay Sacuudiga +SAWIRRO

1789

Boqortooyada Sacuudiga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday isbadalo laga hirgalinayo dalkaasi, waxaana dowlada ogolaatay waxyaabo badan oo horey mamnuuc uga ahaa dalkaasi.

Isbadalada Sacuudiga ka hirgalay ayaa waxaa kamid ahaa mudooyinkan dambe in haweenka loo fasaxo in ay tagaan garoomada ciyaaraha iyo sidoo kale in gaadiidka kaxeen karaan, waxaa sidoo kale dalkaasi laga furay shineemooyin iyo masraxyo cusub.

Magaalo xeebeedka Khubar oo kutaala Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay laga furay Maqaayad loo bixiyay ”Dog Cafe” , waxaana maqaayadan loogu tala galay in ay tagaan dadka wata eeyaha si ay waqti ugu qaataan uguna cabaan kofeyga.

Sacuudiga ayaa markii hore la ogoleyn in eeyaha lagu dhax wato sidoo kale la geeyo goobaha dadku isugu tagaan, waxaana dadka Sacuudiga u badnaayeen kuwa ka fogaadaha eeyaha taabashadiisa.

 

HALKAN KA AQRISO SHEEKADAN