Xulka Qaranka England Oo Garaacay Xulka Belguim +SAWIRRO

1784

Kulan xiiso leh ayaa garoonka Wembley ku dhexmaray xulalka England iyo Belguim kulan ka tirsanaa tartanka UEFA National League kulan waliba si gaar ah isha loogu hayay.

Labada xul ayaa kulanka soo galay iyaga oo doonayay in ay hogaanka u qabtaan Group-kooda waliba gaadhaan guul muhiim.

Xulka qaranka Belguim ayaa ahaa kulanka ka fiican dhigiisa England hadii ay noqoto dhanka qaab ciyaareedka iyo waliba dhanka maamulista ciyaara.

Xulka England ayaa ku dhibaatoonayay in ay qaadaan weerar habaysan iyaga oo aanay xiddigaha khadka dhexe iyo weerarku ayna isla haysan.

Xulka Belguim ayaa daqiiqadii 11-aad dhaliyay gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Yannick Carrasco laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu xiddigu ku jiray.

Laakiin xulka Belguim ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha ay doonayaan in ay hogaanka ciyaarta ugu qabtaan.

Daqiiqadii 16-aad ayuu xulka Belguim dhaliyay goolka 1-aad kadib markii uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay Belguim waxana rikoodhada gool u badalay Romelu Lukaku kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka qaranka England oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin qaybtii dambe ayaa ciyaarta ku soo laabtay ka hor dhamaadkii qaybtii hore.

Daqiiqadii 39-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 1-aad ee xulkiisa ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Natiijadu bar-baro ahayd laakiin xulka Belguim ahaa xulka fiican qaybta hore.

Qaybtii dambe ayuu xulka England si dar-dar leh ku soo galay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dhankooda u rogaan iyaga oo maamulayay ciyaarta sidoo kale qaadayay weeraro ka fiican qaybtii dambe.

Xulka qaranka England ayaa daqiiqadii 65-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu xulka England ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Belguim ayaa helay fursado fiican oo ay goolka bar-baraha ku doonayeen laakiin Xulka England ayaa si fiican u difaacday goolkooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka England gaadhay guul muhiim ah hogaankana kali ku noqday Group-kooda tartanka UEFA National League.