Fanaanada caanka ah ee Baxsan oo geeriyootay

1853

Seynab Xaaji Cali Siigaale Baxsan oo kamid aheyd fanaaniinta hobollada qaranka ee Waaberi ayaa goordhoweyd ku geeriyootay magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta, Ismaaciil Mukhtaar ayaa geerida Seynab Baxsan, oo aad da’ u aheyd, ku xaqiijiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay twitter-ka.

Seynab ayaa u geeriyootay xanuun ay la dhul dhacday, sida uu sheegay Afhayeenku, inkasta oo ilaa hadda aan faah-faahin rasmiya laga haynin.

“Waxaa hadda isoo gaartay in ay geeriyootay Allaha u naxariisto Seynab Cali Baxsan oo kamid aheyd fanaaniinta hoballada Qaranka ee Waaberi,” ayuu ku yiri qoraalka.

Baxsan ayaa waxa si weyn loogu xasuustaa heeso kala duwan oo ay qaaday, kuwaasi oo isugu jira Wadani iyo Jaceyl.

Allaha u naxariiste Seynab ayaa kamid aheyd hobolada qiimaha badan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, iyada oo muddo badana kamid aheyd fanaaniinta hoballada qaranka.