Gabadhii shalay laga afduubtay Muqdisho oo maanta lagu qabtay Guriceel

1696

Taliyaha Booliska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada baaritaan ay ku sameeyeen gabar la sheegay in laga afduubtay magaalada Muqdisho oo maanta ay qabteen iyadoo saaran Gaari halkaas marayey.

Dhamme Cusmaan Cali Hudey ayaa cadeeyey in Hibo Maxamed Xassan oo maanta Ciidamada Amnigu ka reebeen gaari ay la socotay aan la soo afduuban balse iyadu soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Guriceel degan.

Hibo ayaa iyana saxaafada u sheegtay in rabitaan iyada u gaar ah ay kaga soo baxdey Muqdisho iyadoon ogeysiin qoyskeeda taasina keentay shakiga ah in la afduubtay.

Waxay meesha ka saartay wararka sheegaya in la soo afduubtay, kuwaasoo ay warbaahinta siiyeen qoyskeeda oo degan magaalada Muqdisho oo markii ay waayeen sidaas u qaatay.

Afduub aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo oo maalmahan laga hadal hayo magaalada Muqdish ayaa sababay in qofkii xitaa reerkiisa ka dhuunta ama la waayo loo soo fasiro in afduub loo geystay.