Yuusuf Dabageed oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle

1661

Waxaa goor dhaw soo dhamaatay doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo noqonaya Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] uu helay 12 cod dhamaan 99 kii xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.
Xildhibaannada ayaa horey xilka madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle u doortay Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo horey madaxweyne ku-xigeen uga ahaa maamulkan.

Yuusuf Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeele.