Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku hanjabay in doorasho aysan raali ka aheyn aan lagu qaban doonin magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay madaxweynaha ka aaminsanyihiin nin lunsan oo cidda uu u shaqeynayo aan aqoon, sababtoo ah waxa uu sheegay in hoggaanka Nabad sugadda uu wato howlaha doorashada.
“Anaga dareen ayaan leenahay, dan ayaan ka leenahay hoggaaminta dalka oo inaan doorashada ka qeyb galnaan rabnaa, madaxweynaha waxaan leenahay kalsooni ha is geliyo, dhihi meyno dadka loo soo xulay guddiyada doorashada waa ajaanib, laakiin waa dad dhinac ku xisaabsan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigan siiyey TV-ga Universal.
Waxa uu sheegay in Nabad sugiddu ay ku fiicneyd inay xisbi furato oo tartanka doorashada ka qeyb gasho, maadaama doorashadii dhameed ee dalka ay u afduubantahay, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Madaxweyne Farmaajo waqtigu isaga ayuu ku socdaa oo laba bilood ayaa u harsan, waxaan leeyahay waqtiga ha iska lumin, wiilka Nabad sugidda kuu joogana yuusan waqtiga kaa lumin, doorasho aanaa raali ka aheyn lagu qaban maayo Muqdisho, taas ayaan balan qaadaa,” ayuu yiri.
“Waa inaan ku qanacnaa doorashada, siyaasiyiin ayaan nahay deegaanka ayaan ka soo jeednaa, waa u tartameynaa inaan xukunaan rabnaa, Puntland iyo Jubbaland waxaa ku saxanyihiin inay waxaan diidaan, kuwa yeelayna waa qaldanyihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.