Milatariga Itoobiya oo Eedeymo culus u jeediday Madaxa Hay’adda WHO

1375

Taliska Ciidamada milatariga dowlada federaalka ee Itoobiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO .

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula, ayaa ku eedeeyay Tedros Adhanom in uu wado talaabooyin uu ku taageerayo xoogaga hubeesan ee Tigreyga dagaalka kula jira ciidamada federaalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay Janaraal Berhanu Jula in Madaxa Hay’adda WHO Tedros Adhanom in uu wado isku dayo badan uu ku taageerayo isbaheysiga TPLF isla markaana uu ka caawinayo sidii ay hub ku heli lahaayeen.

Tedros, oo xilka WHO hayey tan iyo 2017-kii, wuxuu xubin ka ahaa ragga ugu tunka roon Guddiga Joogtada ah ee TPLF. Wuxuu sidoo kale ahaa Wasiirka Caafimaadka Itoobiya min 2005 ilaa 2012 iyo kan Dibedda min 2012 ilaa 2016-kii.
Tedros wuxuu hay’adaha QM ku cadaadinayaa inay cadaadis saaraan DF Itoobiya si ay shuruud la’aan u joojiso dagaalka Tigraay ee ka dhanka ah TPLF, isagoo magac xumaynaya Dowladda Dhexe,” ayuu yiri sarkaal sare oo aan magaciisa sheegin lana hadlay Anadolu Agency.

Wuxuu intaa raaciyey in Itoobiya ka war qabto howsha uu ku fooggan yahay, waxaana ka mid ah inuu taageero dhanka hubka ah waydiistey dowladda Masar si loogu taageero TPLF.

“In lala xulufoobo Masar, oo sanado badan qas ka waddey Itoobiya isla markaana doonaysa in la joojiyo dhismaha Biyo-xireenka GERD waa khiyaano qaran,” ayuu yiri.

Sarkaalka oo sheegay inuu fadhiyey kulamo badan oo xog-siin amaan ah, wuxuu kaloo tilmaamay in Tedros uu sidoo kale la xiriirey dalal deris la ah Itoobiya kuwaasoo uu waydiistey taageero dhanka sahayda ah, kuwaasoo u dayriyey, sida uu sarkaalkani sheegayna ku yiri ”arrintu waa mid maxalli ah oo ma gelin karno.”

Wuxuu kaloo sheegay in maadaama uu Tedros ku tacaddiyey xilkiisa ay warqad ashtako ah u qorayaan Qaramada Midoobay.

Dowlada Itoobiya ayaana beegsi ku heysa saraakiisha iyo siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda Tigrey, kuwaa ay ku tuhmeyso in ay taageerayaan dagaalka ay dowlada uga soo horjeedaan Maamulka gobolka Tigrey.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN