Kheyre oo cafis waydiistay Cabdiraxmaan Cabdishakuur gurigisana ugu tagay+SAWIRRO

1569

Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre ayaa lakulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayna ka wada hadleen weerarkii lagu qaaday bishii December 2017kii Gurigiisa.

Cabdishakuur ayaa horey marar badan uga hadlay weerarkan, wuxuuna ku eedeynayay in ay abaabuleen Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre iyo Taliyaha NISSA Fahad Yaasiin, balse kulanka caawa ayaa u muuqda mid wax badan ka bedeli doona.

Sida uu shaaciyey Raysalwasaarihii hore haddana ah Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre, ayaa ka raaligaliyey Siyaasigan arrinta ku saabsan weerarkii dhacay December.

Kheyre ayaa qoray in ay ka wada hadleen arrintan, oo ahayd mid maalmihii u dambeeyey lahadal-hayey.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu yiri RW Kheyre.

Kulankan, waxaa ka shaqeeyey siyaasiinta Muqdisho kusugan qaarkood, ka hor saacado uun inta uusan furmin kulanka berrito ee Musharaxiinta ay uga wada hadlayaan doorashooyinka.