Liverpool Oo Guul Ay u Qalmeen Ka Gaaray Leicester City +SAWIRRO

1521

Ka dib ciyaar hal dhinac aheyd , Liveprool ayaa guul ay mudnaayeen waxa ay ka gaareen Leicester City oo marti ugu aheyd kulan wareegga 9-aad ee horyaalka Ingiriiska ka tirsan

Labada qeyb ee kulankaas Liverpool iyaga ayaa kubadda haystay waxa ayna soo badnhigeen ciyaar dar dar leh oo dhanka weerarka ah , waxa ayna ka dib dhalin kareen goolal intaan ka badan haddii goolhayhaha Leicester City iyo birta ahaan laheyn

Leicester City oo mararka qaar sigeeysay Liverpool waliba kubado laga bad baadiyay ayaa waxaa ku adkaa in kubadda cagtooda ay ku daahdo iyo in si sax ah ay horay ugu soo dhaqaaqaan .

Liverpool waxa ay kulankaas soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh waliba isu dheeli tiran dhanka weerraka iyo difaaca , waxaana kooxda Klopp daqiiqadii 54-aad dhaawac looga saaray Naby Keita iyadoo lagu badalay Neco Williams

Kooxda martida ah waxa ay kulankaas soo bandhigeen ciyaar liidata , waxaana ka muuqaneysay cabsi dheeraad ah oo ku aadan in ay ku dhiiraddaan abuurista kubadaha weerarka ah.

Goolka koowaad Leicester City iyaga ayaa si qaldan isaga dhaliyay waxaana sidaas daqiqiadii 21-aad si la yaab leh isaga dhaliyay Jonny Evans halka kan labaad ee Liverpool uu dhaliyay Diogo Jota waxa ayna aheyd daqiiqadii 61-aad xili kan sedexaadna uu si qurux badan uu u dhaliyay Roberto Firmino daqiiqadii 86-aad

Liverpool goolal darsin noqon lahaa ayaa kulankaas ka qasaaray birta iyo goolhayaha aya diiday kubado xaqiiq ahaa , waxa ayna heerka kubad haysashada Liverpool ay gaareysay %65

Leicester City waxaa laag haystay maamulka qad dhexe , waa ayna niyad jabsanayeen oo ma aheyn kooxdii la yaqiinay xilli dhamaan ciyaartooyda Liverpool kulankaas ay muujiyeen dadaal shaqsi shaqsi ah , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah.