Mid ka mid ahaa raggii weeraray Jaamacadda Gaariga oo xabsiga isku dhax dilay

1494

Rashid Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu waramayaa in uu isku dhax dilay qolka xabsigii uu ku xirnaa oo lagu magacaabo Kamiti Maximum sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya.

Rashid ayaa xabsi daa’in lagu xukumay kaddib markii lagu helay in uu ku lug lahaa weerarrkii 2015ka lagu qaaday Jaamacadda magaalada Gaarsiga.
Qolka uu uga jiray xabsiga ayaa laga dhax helay meydkiisa isaga oo ka lusha daaqada qolka qoortana isaga xiray gabal ka mid ah bustihiisa jiifka.

“Mberesero wuxuu isdilay isagoo adeegsanaya gabal buste ah oo uu u isticmaalayay qolkiisa 24 ee kuyaala Block H,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka xabsiga.

Mberesero iyo laba qof oo kale ayaa lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya 41 sano ilaa xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah in uu ka dambeeyay xasuuqii 148 qof ay u geysteen jihaadiyiin Soomaali ah Jaamacadda Gaarisa ee waqooyi Bari Kenya sanadkii 2015.

Sababta Mberesero loogu xukumay xabsi daa’inka ayaa lagu sheegay in lagu qabtay goobtii uu xasuuqa ka dhacay ee gudaha Jaamacadda, laakiin haddana ugu danbeyntii waa uu is dilay.

HALKAN KA AQRISO SHEEKADAN